Madaxweyne Cirro oo agaasime cusub u magacaabay sirdoonka Somaliland

Posted on

Hargeysa (Allbanaadir) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo maanta wareegto soo saaray ayaa  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Somaliland u magacaabay Jaamac Maxamuud Cigaal.

Wareegtada oo kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in Jaamac Maxamuud lagu xushay Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

“Waxa aan go’aamiyey; In Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maalmihii dambe madaxweyne Cirro ayaa ku howlanaa dhismaha xukuumaddiisa iyo hay’adaha kala duwan ee Somaliland, taas oo qayb ka ah isbedalka dhacay.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-014/122024 uu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markii aan arkay:                Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan tixgeliyey:        Ahmiyadda ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku u leedahay Amniga Dalka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan ku qancay:       Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;

Markii aan sameeyey:        La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

In Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *