Jabuuti (Allbanaadir) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa doortay inuu sannadkan Ciidda Masiixiga kula dabaaldego ciidanka Faransiiska ee ku sugan Jabuuti, “si loo muujiyo abaalka qaranka” ee ciidamadiisa ku sugan dibadda.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, Macron wuxuu la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ka wada hadleen xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale dib u eegay heshiiska iskaashiga difaaca ee la cusbooneysiiyay bishii Luulyo ee sannadkan.
Saldhigga milateriga Faransiiska ee Jabuuti, oo ay ku sugan yihiin 1,500 oo askari, waa kan ugu weyn ee Faransiiska ku leeyahay dibadda, wuxuuna ka badbaaday go’aankii Paris ee sanadihii ugu dambeeyay ee lagu dhimayay joogitaanka ciidanka Faransiiska ee Afrika, kaddib markii laga saaray waddamada Saaxil.
Xaaladdan darteed, Faransiiska ayaa doonaya inuu xoojiyo saameyntiisa Geeska Afrika, gaar ahaan agagaarka Badda Cas, si uu u ilaaliyo danaha reer Galbeedka, iyada oo ay jiraan isbeddelo badan oo ka dhacay gobolka.
Kadib booqashadiisa Jabuuti, Macron ayaa u safray Addis Ababa, wuxuuna la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Kulanka ayaa la qorsheeyay inuu ku soo beegay furitaanka “Qasriga Qaranka,” oo ah dhisme taariikhi ah oo ugu dambayn hoy u ahaa Boqor Haile Selassie, ka hor inta aan xilka laga tuurin 1974.
Hay’adda Horumarinta Faransiiska ayaa ku tabarucday €25 milyan, si dib loogu dayactiro dhismahan oo loo beddelo matxaf.
Marka laga soo tago xiriirka laba geesoodka ah, Macron iyo Abiy waxay ka wada hadleen xasillooni-darrada gobolka iyo xaaladda gudaha Itoobiya, laba sano kaddib heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee gobolka Tigray, kaas oo la sheegay inuu sababay boqollaal kun oo dhimasho ah.
Intaa waxaa dheer, Macron wuxuu sidoo kale la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya arrimaha ku saabsan Suudaan.
Warbixino ayaa soo jeedinaya in Paris iyo Addis Ababa ay si toos ah ula shaqeynayaan ciidanka fallaagada Suudaan ee uu hoggaamiyo Maxamed Xamdaan Daqlo (Hemedti).
Faransiiska ayaa lagu eedeeyay inuu hub siiyay Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) iyo inuu taageero ka siiyo isbahaysiga siyaasadeed ee “Isku-xirka Taqaddum,” kaas oo ay qaar u arkaan inuu yahay garabka siyaasadeed ee RSF.
Faransiiska, oo iskaashi la leh Imaaraadka Carabta, ayaa la sheegay inuu siiyay RSF tignoolajiyad casri ah oo loo adeegsaday gaadiidka gaashaaman ee Imaaraadka, sida ay shaacisay Amnesty International toddobaadyo ka hor, Paris waxay martigelisay Cabdullaahi Xamduuk, madaxa “Isku-xirka Taqaddum,” oo ah wakiilka Suudaan munaasabad rasmi ah dhowr jeer, taas oo si dadban u muujinaysa taageerada Faransiiska ee kooxahan.
Faransiiska wuxuu ku tiirsan yahay isbahaysiyo istiraatiijiyadeed oo uu la yeesho ciyaartooy waaweyn oo gobolkan ku sugan, sida Imaaraadka.
Waxa kale oo uu qorsheynayaa inuu xoojiyo joogitaanka ciidankiisa ee Badda Cas isagoo tababaraya ciidanka badda Itoobiya iyo isagoo ciidan ka hawlgeliya meelaha istiraatiijiga ah sida Jabuuti iyo Jasiiradda Suqadara.
Tallaabooyinkan ayaa muujinaya hammiga Faransiiska ee ku aaddan sidii uu u heli lahaa meel joogto ah oo uu kaga jiro Badda Cas iyo sidii uu u xoojin lahaa danihiisa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee gobolka.
Dhanka kale, Turkiga ayaa sidoo kale ku dadaalaya inuu ku yeesho saameyn Suudaan, isagoo taageeraya ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira kooxaha fallaagada ah. Warbixino warbaahineed ayaa tilmaamaya in Ankara ay ugu dambeyntii rabto inay ku hesho marin Badda Cas iyada oo loo sii marayo Suudaan.
Tallaabo kale oo la xiriirta, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku dhawaaqay hindise uu ku dhexdhexaadinayo ciidanka Suudaan ee uu hoggaamiyo Cabdulfataax al-Burhan iyo Imaaraadka Carabta oo ay dowladda Suudaan si toos ah ugu eedeysay taageerada fallaagada.
Dadaallada dhexdhexaadinta ee Turkiga iyo faragelinta ciidan ee Faransiiska labaduba waxay leeyihiin ujeeddo isku mid ah: kordhinta saameynta Badda Cas iyo Geeska Afrika.
Inkastoo himilooyinka gumeysi ee dalalkan kala duwan ay mararka qaarkood is waafaqaan, haddana su’aashu waxay tahay ma iska kaashan doonaan Faransiiska iyo Turkigu sidii ay u hirgelin lahaayeen qorshayaal gaar ah oo ay ka leeyihiin Suudaan iyo guud ahaan gobolka?