Fiqi oo ku dhowaaqay mowqif adag oo ka dhan ah in ay Itoobiya gaarto Badda Cas

Posted on




Muqdisho (Allbanaadir) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ay dooneyso inay ku gaarto Badda Cas.

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka dowladda Soomaaliya uga yaalla damaca Itoobiya, wuxuuna cadeeyey in Itoobiya aan loo ogolaan marin ay ku gaareyso biyaha Soomaaliya.

“Waxaan si cad u beeninayaa sheegashada ah in Itoobiya loo ogolaaday inay gasho badda cas, Sheegashooyinkan aan sal iyo raadka lahayn ayaa ka maqan wax aasaas ah,” ayuu yiri Fiqi.

Qoraalka Wasiir Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta hufnaanta arrimaha qaranka.”

Qoraalkaan Wasiir Fiqi uu ku baahiyey bartiisa Twitterka ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta Madaxweyne Xasan Sheekh uu u safray Asmara Eritrea, kadib markii uu soo yeeray war sheegaya in Eritrea ay ka carootay heshiiskii Ankara ku dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale shalay tegay Qaahira Masar, isagoo isla heshiiskaas kala hadlay dowladda Masar, dowladda Soomaaliya ayaa Masar iyo Eritrea ku qancineysa heshiiskii Ankara.










Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *