Bayle oo xil sare looga magacaabay xafiiska madaxweynaha Somaliland

Posted on

Hargeysa (Allbanaadir) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa maanta La-taliye sare u magacaabay wasiirkii hore ee maaliyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa loo magacaabay La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha horumarinta dhaqaalaha, sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland.

Bayle ayaa bartamaha sanadkii hore ee 2023 ku laabtay Somaliland, kadib muddo uu ka shaqeynayay dowladda federaalka Soomaaliya, xilligaasi oo cafis guud u fidiyay madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ninkan siyaasiga ah oo hanti badan ku leh Hargeysa ayaa markaas maray habraaca ay Somaliland u dajisay siyaasiyiinta xilalka ka qabta Soomaaliya, maadaama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Magacaabista Bayle, ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa illaa 4 La-taliye oo kale, kuwaasi oo loo magacaabay;

1. Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde – La-taliyaha sare ee madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.

2. Cali Maxamed Yuusuf (Guray) – La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada.

3. Baar Siciid Xaaji Faarax – La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha horumarinta haweenka.

4. Xamse Cali Bulbul Ibraahim – La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha warbaahinta.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *