Muqdisho (Allbanaadir) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta u baxo safar qarsoodi ah oo aan horay loo sii shaacin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Sida ay ogaatay Allbanaadir, madaxweynaha ayaa u dhoofaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho qaadaneyso dhowr cisho.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu wada-hadallo toos ah la yeelan doono dhiggiisa Isiask Afwerki oo ay ka wada-hadali doonaan arrimo xasaasi ah.
Eritrea oo ciidamo u tababarto Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay saameyn ku lahayd arrimaha Soomaaliya, waxaana kulamadii ugu dambeeyay ay labada dal ku sameysteen iskaashi cusub oo ay ku wajahayaan heshiiska badda ee Itoobiya ee carada dhaliyay.
Dhanka kale, Eritrea ayaa haatan saluug ka muujineyso isku soo dhawaanshaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib heshiiskii ay dhowaan ku gaareen magaalada Ankara.
Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Idris, isla-markaana wasaaradda kala taliyo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay walaac ka qabaan heshiiskii ay Soomaaliya lagashay Itoobiya ee ka dhacay Ankara.
La-taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka fileynin Soomaaliya gelidda heshiis noocaasi oo kale ah, isaga oo hoosta ka xariiqay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya haddii ay ogolaato in marin biyood ay siiyaan dowladda Itoobiya oo uu tilmaamay inay qatar ku tahay xasillonida iyo amaanka guud ee Eritrea.
Sidoo kale wuxuu Cabdulqaadir Idris soo hadal qaaday iskaashiga ka dhexeeya Asmara iyo Muqdisho, gaar ahaan heshiiskoodii ugu dambeeyay, isaga oo sheegay inuu ku saleysnaa difaacidda biyaha Soomaaliya
“Ma jirin heshiis gaar ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” sidaasi waxaa Bbc da laanteedi afka Soomaaliga u sheegay Cabdulqaadir Idris oo ah lataliye Wasaaradda arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya.
Si kastaba, Eritrea ayaa kamid ah dalalka hadda xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, waxaana dhowaanahan iskaashi cusub la sameynayay madaxweynaha Xasan Sheekh.