Kismaayo (Allbanaadir) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kadib markii uu soo magacaabay Madaxweyne ku xigeenadiisa, isagoo dib u soo celiyey xubnihii horay u joogay.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska Axmed Madoobe ayaa dib loogu soo magacaabay Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, madaxweyne ku xigeenka labaad.
Wax is bedel ah ma muujin dikreetada Axmed Madoobe soo saaray, waxaana xusid mudan in labadaas nin ay ku xigeenno u ahaayeen Axmed Madoobe intii uu heystay Jubbaland.
Haddaba sidee looga falceliyay?
Cali Yare Cali oo ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Shaqsi ahaan lamaanan yaabin xaanshida Madoobe oo abidkeeyba nimcooyinka rabbi i siiyay ayay kamid tahay inuusan marnaba igu darin kuwa Madoobe iyo hab-dhaqankiisa ku sirma — waxaanse is waydiiyay nuuca tilmaameed ee la siin karo qofka Xasan Shiikh ku diidan maamul xumo iyo kali-talisnimo, midkaan falaadkiisu ilaa heerkaan gaaraysiisanyahayna taageersan!”
Cabdiraxmaan Sandhool Cali “Agaasime waxeedka iyo madaxweyne ku xigeen Jubaland waa isku mid Axmed baa magacaaba Axmed baana eryi kara !!!!”.
Mahad Cabdulqaadir Axmed “Madaxwyne ku xigeenka sowtii la dooran jiray, waa maxay magacaabistu!”.
Siyaad Maxamed Dool “Hambaliyo mas’uuliyiinta dowladda Jubaland Alle ha idiin fududeeyo xilka iyo mas’uuliyadda”.
Cabdiwahaab Xasan “Warqada 2019 unba Date laga beddalay Axmed daacad Jubaland waa xoraystay lol”.
Axmed Dhaaye ayaa isaguna yiri “Reer Jubaland ayaa ku qanacsan ayey ila tahay ninka sidaa yeelaya”.
Cabdiraxmaan Xarage “Ninkaan meesha waa u xureysan tahay wlhi madaxweyne ku xigeenka asigaaba iska magacaabanaa”.