GUUDLAAWE oo dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay BALCAD + Ujeedka

Posted on

Balcad (Wararka Maanta) – Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay gudaha magaaladaais, kuwaas oo la qaadanayo saraakiisha ciidanka Xoogga.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegay in socdaalka madaxweynaha iyo dhaq-dhaqaaqa uu ka bilaabay Balcad uu la xiriiro abaabula dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo furi lahaa waddada dheer ee Jowhar.

“Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii Khawaarijta looga soo af-jari lahaa waddada isku xirta magaallooyinka Balcad iyo Jowhar” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa si gaar ah ula shiray Taliye ku-xigeenka ciidanka lugta ee XDS Genaral Cirro, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Guutada 3-aad, Taliyaha Dugsiga Tababarka Qorilloow, Madaxa Taakuleynta Ciidamada Lugta, wuxuuna dhammaantood kala hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Inta badan kulankan waxaa looga hadlay  sidii Khawaarijta looga xorreyn lahaa goobaha ay kaga hareen Gobalka Shabeellada Dhexe iyo sidii culeyska looga dulqaadi lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku safra jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar.

“Waxaan ku fooganahay sidii dhulka Hirshabeelle oo dhan uu u noqon lahaa mid ka caagan haraadiga Khawaarijta, wajiga 2-aad ee dagaalka waxaan Alle ka rajeyneynaa inuu nagu guulleeyo.” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle oo shirka hadlay

Waxaa kale oo uu umahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidamada Deegaanka iyo Shacabka oo sabab u ahaa in la xoreeyo deegaano ku yaalla halkaasi.

HirShabelle ayaa waxaa ka soconayo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo uu ujeedkooda uu yahay in kooxda looga sifeeyp deegaanada ay kaga hareen maamulkaas.



Source link