Daawo: DF oo shaacisay guul taariikhi ah oo deyn cafintii ay ka dhaxashay

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa maanta shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay noqotay Dowladdii ugu horeeysay caalamka ee iyadoo Deyntii laga cafiyay loo sii ogolaaday deeqda uu bixiyo Bangiga Adduunka.

Bangiga Adduunka ayaa dowladaha soo gaara heerka ay gaartay Soomaaliya oo kale wuxuu kaliya u ogolaadaa inay deyn kale qaataan oo ay iska bixiyaan, balse Soomaaliya waxaa loola dhaqmay si taas ka duwan.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid wadaxaajood dheer kadib markii hey’adda maalgalinta caalamiga ah u qaabilsan Bangiga Adduunka ay ogolaatay in Dowladda Soomaaliya ay siiso lacago deeq ah.

Lacagaha deeqaha ah ee loo yaqaano ‘Kabka Miisaaniyadda’ ayaa loo ogolaaday in Soomaaliya ay sii qaadato muddo seddax sano ah, sida uu maanta sheegay wasiir Biixi Iimaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyey hanaanka uu maro dal kasta markii deymaha caalamku ku leeyahay oo uu iska bixi waayey laga cafiyo, iyadoo Soomaaliya ay noqotay dalkii 37-aad eel aga cafiyey deyn caalami ah.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in dadaalka ay Soomaaliya u gashay in lacagaha kabka miisaaniyadda ee caalamku siiyo ay sidooda u sii socdaan ay qaadatay muddo 8 bilood ah.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in Soomaaliya loo ogolyahay inay deyn qaadato, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdu aysan dooneyn inay culeys kale oo caalami ah aysan ku celi doonin dalka.

Hoos ka daawo faahfaahinta wasiirka



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *