Cirro oo golihiisa ku cadaadinaya wax ka qabashada arrimihii uu ku eedeyn jiray BIIXI

Posted on

Hargeysa (Allbanaadir) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa wasiirradiisa faray in ay wax ka qabtaan daldalooladii uu ku dhaliili jiray madaxweynihii ka horreeyay ee Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in howsha ugu horreysa in ay noqon doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka dhinaca maamulka, maaliyadda iyo adkeynta amniga oo ah meelaha ugu badan ee laga eegayo xukuumaddiisa.

Sidoo kale wuxuu rejo ka muujiyay in wasiirradiisa ay si hufan shaqada ula wadaan, islamarkaana kala shaqeeyaan ka gudubka culeyska kahor imaan kara si aanay loo helin fursado lagu dhaliili karo sida uu horay u sameyn jiray oo kale.

“Waxaan idinka filayaa in aragtida, fahamka iyo aqoonta aad labadan maalmood isla meel dhigteen ay dhaqso uga muuqan doonaan shaqada aynnu qaranka u haynno,” ayuu yiri madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

“Waa masuuliyad aad u culus, si aan taas u guto ayaan aniguna idinka idiin soo xushay in aydin noqotaan jaalkii iyo baalashii iga caawin lahaa gudashada waajibkaas culus.”

Cirro ayaa tilmaamay in maalintii xilka loo dhaariyay uu naftiisa ka mamnuucay dulmiga, musuq-maasuqa, khiyaamada, eexda iyo ka habrashada xaqa, isagoo faray golihiisa in ay ka dheeraadaan arrimahaas.

Bulshada reer Somaliland ayaa indhaha ku haya waxqabadka boqolka maalmood ugu horreeya xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, xilli ay Somaliland wajaheyso xaalado dhowr ah oo isbiirsaday.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *