Daawo: R/W Xamza oo war culus kasoo saaray askartii lagu laayay Sh/Dhexe

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, loona dilay aano qabiil darteed.

Xamza oo si adag uga hadlay falkaasi ayaa ayaan darro ku tilmaamay, isaga oo xusaynin dadka gaystay ay yihiin dad qalato aan arxan lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Wixii dhacay ee askarta Soomaaliyeed lagu sameeyay dadkii ka dambeeyay dad ma’ahan ee waa dad qalato, waa bahalo” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waa wax aad u xun qof adiga ku difaacayo oo naftiisa kuu huray oo adiga ku difaacayo inaad qalato”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay mid ka fog dadnimada qofka diinta, wuxuuna ugu baaqay in laamaha amniga ku gacan siiyo soo qabashada raggii ka dambeeyay falkaasi oo dhaliya caro aad u xooggan.

Dowladda Dhexe iyo HirShabele oo iskaashanyo ayaa haatan wada dadaallo lagu soo qabanyo dambiilayaasha, iyada oo guddoomiyihii Ceel Baraf iyo odayaal loo soo xiray dhacdadaasi, kuwaas maalin kahor diyaarad lagu keenay magaalada Muqdisho

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Allbanaadir u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *