DEG DEG: DF Soomaaliya oo digniin kama dambeys u dirtay shaqsiyaad…

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus oo u muuqata kama dambeys kasoo saartay dadka baraha bulshada ka hurinaya colaadaha sokeeye ee ka aloosan qeybo kamid ah dalka.

Dowladda ayaa caddeysay inay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah shaqsiyaadka baraha bulshada ku faafinaya muuqaalada, sawirada, codadka, qoraallada naxdinta leh iyo kuwa sii hurinaya colaadaha sokeeye.

“Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha sokeeye ee ka aloosan gobolada dalka,” ayaa lagu yiri goordhoweyd bayaan kasoo baxay dowladda.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto aaladaha baraha bulshada iyo warbaahinta ee loo adeegsanayo hurinta colaadaha oo ay sida qaldan u isticmaalayaan shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya kicinta dagaalada.

“Wasaaradda oo gudanaysa waajibka saaran waxay halkaan digniin ugu jeedinaysaa isticmaalayaasha baraha bulshada ee ka qeyb qaadanaya fitnada iyo hurinta colaadaha, dowladdu waxa ay qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan oo lagu xakamaynayo qofkasta iyo aalad kasta oo loo adeegsado hurinta dagaalada sokeeye,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Muwaadin kasta maanta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay ka hortagga hurinta colaadaha iyo ka shaqeynta nabadeynta dadkeenna walaalaha ah ee dhiigooda qubaya, shacabka Soomaaliyeed.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay uga mahad-celisy warbaahinta iyo isticmaalayasha baraha bulshada ee gudbinaya fariimaha wanaagsan ee wacyigalinta ah, kuwaas ayaana ah tusaalaha wanaagsan ee maanta loo baahan yahay.

Ugu dambeyntiina, hay’adaha qaranka ee sharci fulinta ah oo ay ugu horeeyaan booliska iyo xeer ilaalinta ayey sheegeen iny heegan ugu jiraan qaadista tallaabooyinka ku haboon xilligan.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *