Sanbaloolshe oo maanta soo afjaray halis weyn oo ka jirtay Hiiraan iyo DF oo la wareegtay gobolkaas

Posted on

Beledweyne (Allbanaadir) –Ciidamada NISA iyo Booliska Soomaaliya ayaa maanta bilaabay howlgal culus oo ka dhan ah Isbaarooyinkii yaallay gobolka Hiiraan, gaar ahaan inta ka dhaxeysa Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.

Taliyaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe oo Beledweyne ku sugan ayaa amray howlgalkaan, waxaana lagu guuleystay in wadada laamiga ah laga sifeeyo kooxihii isbaarooyinka dhigtay, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii maanta.

Ciidamada ayaa ka soo kala dhaqaaqay Beledweyne iyo Matabaan, waxaana cagta la mariyey isbaarooyinkii yaallay dhowr tuulo oo dhaca inta u dhaxeysa degmooyinkaas, sidoo kale dhanka Maxaas ayaa loo fidiyey howlgalka, halkaas oo dhowr isbaaro lagu burburiyey.

Taliyaha Booliska degmada Matabaan Dhamme Cabdifitaax Fooneeye ayaa Allbanaadir u sheegay inay maanta ku guuleysteen qaadista Isbaarooyin yaalay deegaanada Dhisaqa, Bacda, Beergadiid iyo Laancaad oo kawada tirsan gobolka Hiiraan, kadib amar kasoo baxay Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Nabad-sugidda iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Agaasimaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe oo geed-fadhi u ah howlgalkaan iyo hagaajinta siyaasadda gobolka Hiiraan ayaa Beledweyne ku sugan muddo ku dhow 10 cisho, wuxuuna maanta la hadlay bulshada magaaladaas, isagoo ugu bishaareeyey in la qaaday dhamaan isbaarooyinkii yaallay inta ka dhaxeysa Beledweyne, Maxaas ilaa Matabaan.

Sanbaloolshe ayaa dadkiisa mar kale u sheegay in masuuliyada amniga gobolka Hiiraan ay la wareegtay dowladda federaalka, isla markaana ay ka go’antahay in isbaaro dambe aan la dhigan gudaha magaalada Beledweyne iyo deegaanada kale ee gobolka Hiiraan, halkaas dadka safarka ah lagu dhici jiray.

Gobolka Hiiraan oo intiisa badan laga saaray Al-Shabaab ayaa sidoo kale ka go’ay maamulkii uu ka tirsanaa ee HirShabeelle, weliba si aan cadeyn, taasi oo xaalad hubanti la’aan ah gelisay xaaladda gobolkaas.

Maamul la’aanta dhacday iyo kala-dambeyntii oo meesha ka baxday ayaa sababtay in qof kasta uu qori qaato, dadka qaar ayaa iskood difaac uga xirtay Al-Shabaab, halka maleeshiyaad badana ay fursad u heleen inay dhigtaan isbaarooyin oo dadka dhacaan.

Madaxweynayaashii kala dambeeyey ee HirShabeelle oo Cali Guudlaawe oo ugu dambeeyo ayaa ku guul-dareystay inay xaliyaan tabashada maamul ee ka jirta Hiiraan, taas oo xoogeeda ay qabto beesha Xawaadle oo ah beesha ugu awoodda badan gobolkaas Hiiraan.

Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa u muuqda nin wax ka yar 10 maalmood ku xaliyey, caqabado ka taagnaa Hiiraan oo sanado badan ay xali weysnaayeen madaxdii kala dambeysay ee maamulka HirShabeelle, xaaladda Hiiraan oo weli hubanti la’aan ku jirta ayaa hadda si ku meel gaar ah loo hoos keenay dowladda federaalka.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *