Xog: Axmed Madoobe oo diyaariyey qorshe uu ku qabsanayo Gedo iyo DF oo niyad jabtay

Posted on

Garbahaarey (Allbanaadir) –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan ayaa qorsheynaya in awood ciidan ay kula wareegaan gobolka Gedo degmooyinka ay ka joogaan maamullada taabacsan dowladda federaalka.

Qorshaha Jubbaland ay dib ugu qabsaneyso gobolka Gedo ayaa gabagabo ku sii dhow, sida ay ilo wareedyo kale duwan u xaqiijiyeen Allbanaadir, waxaana socda qorshe ay Jubbaland ku qoraneyso ciidamo u dagaalama.

Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Gedo u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jeneraal Cabdullahi Fartaag, balse seddax toddoobaad kadib, wuxuu shalay Baardheere diyaarad ka raacay isagoo aan wadin wax natiijo ah.

Degmooyinka Garbahaarey, Baardheere, Beledxaawo iyo Buurdhuubo ayaa ku jira gacanta dowladda federaalka, Axmed Madoobe ayaa qorsheynaya in awood ciidan uu kula wareego degmooyinkaas.

Howlgalka xoogiisa waxaa laga abaabulayaa degmada Doolow oo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ay joogaan, waxayna halkaas ku diyaariyeen ciidan ay qalabeyntiisa ka qeyb qaadatay Itoobiya.

Sidoo kale waxaa jira qorshe si hoose ciidan beeleed looga qorayo degmooyin ay ugu horeyso Garbahaarey, waxaana qorshahaas dejiyey Axmed Madoobe, halka ciidankii dowladda federaalka ku jebiyey Raaskambooni ay ku diyaarsan yihiin Kismaayo iyo degmooyin kale.

Sida aan xogta ku heleyno waxaa gabagaba ku dhow qorshaha uu dejiyey Axmed Madoobe ee gobolka Gedo uu dib ugu qabsanayo, halka dowladda federaalka ay niyad jabtay markii looga adkaaday dagaaladii Raaskambooni, Kulbiyow iyo Doolow.

Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay qorsheyneyso in gobolka Gedo ay ku qabato doorasho lagu soo dhisayo maamul cusub oo Jubbaland yeelayo, kaas oo aqoonsi ka heli doona dowladda, iskuna balaari doona dhulka uu hadda xukumo ee laga qaadi waayey Axmed Madoobe.

Qorshaha dowladda waxaa ka dhiman ciidan, mana jiro ciidan ay dowladda federaalka ilaa hadda geysay Gedo, si loo meel-mariyo ajendaha ay wadato, halka Axmed Madoobe uu diyaarinayo awood ciidan oo gobolka Gedo uu ku qabsanayo.

 



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *