Addis Ababa (Allbanaadir) – Walxo aan la aqoonsan haybtooda oo ololaya ayaa xalay fiidkii lagu arkay hawada degmada Mooyaale ee ku taalla xadka Kenya iyo Itoobiya.
Dadka deegaanka oo aan aqoonsan karin waxay yihiin walxahani ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaallo ay ka duubeen, kuwaas oo muujinaya iyaga oo aad u holcaya.
Mid kamid ah dadka deegaankaasi ayaa sheegay in ay waxani yihiin walxo dhowr iyo toban ah oo hawada maraya, islamarkaana aan lahayn wax guux ah, “Wax fara badan oo aad mooddo gantaallo ayaa dhanka qorrax-dhaca kasoo baxay, kadibna magaalada ayuun bay u dhaafeen dhanka qorrax-dhaca,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxay ahaayeen (walxahani) ilaa dhowr iyo toban wax oo uu mid weyn ku jiro. Waxa ay yihiin ma sheegi karno, wax na maray ayuun baan aragnay, guuxna malah.”
Caalami Jaamac oo kamid ah dadka arkay walxahan ayaa isna sheegay in laga yaabo in ay yihiin satalayd bur-buray, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn waxa uu yahay.
“Wax loo malaynayo inuu yahay burburka satalayd baa caawa lagu arkayaa hawada magaalada Mooyaale iyo qaybo ka mid ah gobolka Oromiya,” ayuu yiri Jaamac.
Si kastaba,a marka laga imaado fallan-qaynta bulshada ku sugan deegaanada walxahan lagu arkay, ma jiraan illo rasmi ah oo xaqiijin kara waxa ay yihiin walxahan oo baqdin geliyay shacabka deegaanadaasi.