Muqdisho (Allbanaadir) – Safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Richard H. Riley oo qoraal soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan taageerada kala duwan ee ay dowladdiisu siiyo Soomaaliya.
Richard H. Riley ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu kordhiyay kaalmada uu siiyo Soomaaliya, si wax looga qabto xaaladaha bani aadamnimo ee ka jira gudaha dalka.
Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay Mareykanka uu Soomaaliya ku bixiyay saddex bilyan oo dollar, taas oo lagu fuliyo howlo gargaar oo muhiim ah.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in caawinaaddaasi ay wax badan ka tartay Soomaaliya, ayna lagama maarmaan u tahay in la kordhiyo garab istaagga Soomaaliya.
“Munaasabadda Daah-furka labo barnaamij oo cusub oo ay si deeqsinimo leh u maalgeliyaan shacabka Maraykanka si ay uga faa’iideystaan saaxiibadeenna Soomaaliya, saddexdii sano ee lasoo dhaafay Maraykanka waxa uu bixiyay in ka badan $2 bilyan oo gargaar naf badbaadin ah si looga jawaabo baahiyaha bani aadamnimo dalka oo dhan,” ayuu yiri safiirka Mareykanka ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Kaalmadaan waxa ay badbaadineysaa kumanaan ku nool Soomaaliya, waxa ay yareeneysaa cunno la’aanta & nafaqo darrada”.
Dhanka kale, Maraykanka ayaa sanadkaan cusub Soomaaliya u ballanqaaday in uu siinayo dhaqaale gaareyso illaa $29 Milyan oo doollar, taas oo lasoo marin doono Hay’adda USAID.
Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada kala duwan siiyo dowladda federaalka, isaga oo ka caawiya dhanka dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.