Hargeysa (Allbanaadir) – Xukuumadda Somaliland ee uu haatan hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa shaacisay inay dib u eegis ku sameynayso heshiiskii is-afgarad ee xukuumaddii hore la gashay dowladda Itoobiya.
Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in is-afgaradkaas ay sii wadi doonaan ka xukuumad ahaan haddii uu isku dheeli-tirayo danaha labada dhinac, haddii kalena ay ka fiirsan doonaan.
Wasiir Cabdiraxmaan Daahir oo maanta la kulmay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii mucaaradka ee kasoo horjeeday is-afgaradkaasi kahor inta aysan ku guuleysan madaxtinimada Somaliland.
“Mou-ga waxaan uga soo horjeeday mad-madow badan ayaa ku jiray, waxaa Itoobiya sheegayso iyo waxa madaxweynuhu sheegayo ayaa kala duwanaaday,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa intaas kusii daray “Itoobiya waxay tidhi, marka badda nala siiyo kadib ayaannu ka fikiraynaa ictiraafka, halka madaxweynihii hore uu sheegayay wax ka duwan taas.”
Sidoo kale wuxuu sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka shaqayn doonaan sidii Somaliland ay dal madax-bannaan u noqon lahayd, xiriiro laga wada faa’iidaystana ay adduunka ula yeelan lahayd.
“Haddii uu ina anfacayo oo ictiraafkeenu ku jiro, annaga ayaa ka jecel cid walba in aanu ogolaanno. Waanu eegi doonaa, waanu ka balansannahay. Itoobiyana intaa ayaannu u sheegnay, way inoo fududaanaysa haddii dalalka jaarku ina ictiraafaan,” ayuu yiri.
Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa imanaya sanad kadib iyadoo is-afgaradka Itoobiya aan loo beddelin heshiis rasmi ah, islamarkaana uu heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya ee Ankara markale sii xumeeyay rejada laga qabo hirgelinta is-afgaradkaasi.