Beledweyne (Allbanaadir) – Gobolka Hiiraan ayaa waxaa si weyn h ragaadiyay dhibaatooyinka saameynta yeeshay ee laga dhaxlay Isbaarooyinka iyo amni darrada, sida uu sheegay wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya.
Wasiir Daahir Shire oo arrimahan dib u dhigay gobolka ka qeyliyay ayaa la hadlay odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, isagok ku wargeliyay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro arrimahaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay qaar kamid ah ganacsatada ugu weyn ee gobolka, oo uu sheegay inay hoos u dhac weyn uu ku yimid badeecadihii iyo xoolihii ay iib geyn jireen sababo la xiriira lacagaha looga qaato isbaarooyinka.
“Waddadaan dheer dadka ayaa lagu dhibaa, taasna looma dulqaadan karo,” ayuu yiri wasiirka batroolka iyo macdanta XFS Daahir Shire.
Waxa uu intaas kusii daray “Halkaan waxaa igu yimid nin walaal ah oo ehelka ah, ahna dadka ugu horreeya ee qaaranka la weydiisto, waa gacmo deystay ayuu idhahay, waxa uu ii sheegay in uusan 8 bil neef rarin sabab la xiriirta in ammaan darrada iyo jidkaas lagu jiro.”
Wasiirka ayaa tilmaamay in haddii la rabo horumar iyo barwaaqo la gaarsiiyo gobolka in meel adag laga istaago dadka ka shaqeynaya dib u dhaca ee ku howlan amni darrada iyo isbaarooyinka.
Ugu dambeyntiina wuxuu dib ugu celiyay odayaasha dhaqanka ka fal-celinta arrintaan, maadaama qof kamid ah dadkaas burcadda ah haddii uu dhib geysto iyaga dib loogu soo celiyo, waxa uuna soo jeediyay in inta aysan daba dheeraan ama tallaabo kale qaadin laga hortagi arrintaasi.