Muqdisho (Allbanaadir) – Soomaaliya iyo Masar ayaa ku balansan wadahadallo kale oo 15 ilaa 17-ka bishaan ka dhici doona magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana looga tashanayaa qorshaha ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya.
Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Allbanaadir u sheegay in tashigaan uu yahay kii ugu dambeeyey, maadaama horay loo go’aamiyey in ciidamada Masar lasoo geliyo Soomaaliya.
Ciidamada Masar ayaa ka qeyb qaadan doona howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, wadahadallada Qaahira ka dhacaya waxaa lagu cayimi doonaa goobaha ay ka howlgelayaan ciidankaas iyo qodobo kale oo quseeya howlgalka ciidanka Masar ay ka bilaabi doonaan Soomaaliya.
Ciidamada Masar ayaa laga yaabaa inay wax ka bedelaan dhaq-dhaqaaqa awoodeed ee Geeska Afrika, maadaama Itoobiya ay halis weyn u aragto in Masar ay awood militeri la timaado Geeska Afrika.
Heshiiska Militeri ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku yimid siyaasad xumada Itoobiya iyo daandaansi ay Addis Ababa ku bilowday Muqdisho, waxayna Itoobiyaanku cod dheer ku sheegeen, kuna celceliyaan in militeriga Masar oo yimaada Geeska Afrika uu khatar weyn geli karo amnigooda.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa 6-dii bishaan xaqiijiyay mowqifka taageero ee Masar ee ku aadan Soomaaliya, mar uu khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
Baaqan ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad un kadib, booqashadii Fiqi ee Qaahira, halkaas oo Masar iyo Soomaaliya ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee billowday 1-dii bishaan Janaayo 2025.
Wadahadalada hadda la iclaamiyey kadib, Masar ayaa qorsheyneysa in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneysa dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowda ee AUSSOM.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya, aadna ay u daneyneyso, maadaama ay kula loolameyso Itoobiya.