Farmaajo oo war culus ka soo saaray dagaalka ay Puntland ku qaaday Daacish

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray dagaalka Puntland ay ku qaaday Khawaarijta Daacish, isagoo maamulkaas ku bogaadiyey taallabada uu qaaday, farriina u diray dowladda federaalka.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay uga sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish oo halis jiritaan ku ah dowladnimada iyo isirka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo:

Howlgalka geesinimada leh ee ciidamada ammaanka Puntland ay ku qaadeen argagixisada waa tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee lagaga sifeynayo dalka argagixisada gumaadka ku haya dadkeenna, kana soo horjeeda horumarka dalkeenna.

Shacabka Soomaaliyeed oo idil waxaan ku boorrinayaa in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada duullaanka ina ku ah, garab istaagaan ciidamada, kana fogaadaan dagaallada sokeeye oo ah qorshaha kaliya ee argagixisadu ay ina ku dhex joogi karto.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay ku sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish oo halis jiritaan ku ah dowladnimada iyo isirka Soomaaliyeed.

Dawladda Puntland waxaan ku bogaadinayaa isku duubnida ku aaddan howlgalkan ee ay muujiyeen ciidanka iyo shacabka oo garab taagan, aniga oo guul u rajaynaya geesiyaasha ciidamada ammaanka Puntland ee hoggaaminaya howlgalka, iyaga oo ku sugan furimaha dagaalka ka dhanka argagixisada.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *