Muqdisho (Allbanaadir) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarun muhiim ah oo ay yeelan doonaan Golaha Culimada Soomaaliyeed oo loogu magacan daray Daarul Iftaa.
Xamza oo uu dhinac taagnaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa goobta ka sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.
“Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul Iftaa, waxaanna rajeynayaa in uu mashruucani uu noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Dhanka kale Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo.
Munaasabadda dhagax-dhigga xaruntan cusub waxaa sidoo kale goobjoog ahaa qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay in golahooda loo dhiso xarun u gaar ah.