Muqdisho (Allbanaadir) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil baabuur oo sababay khasaare leh dhimasho leh oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shilka oo ka dhacay waddada aada deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo laba kamid ah dumar yihiin, halka qofka kalena uu ahaa darawalka.
Labada gabdhood iyo darawalka ayaa xilligaas kasoo laabtay dhanka xeebta Jaziira, waxaana waddada ka baxay baabuurka ay wateen oo gebi ahaan burburay.
Goobjoogayaal ayaa Allbanaadir u sheegay in gaariga inta uusan rogman kahor uu tartan kula jiray baabuur kale oo isna ku socday waddada Jaziira ee duleedka Muqdisho.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in darawalka gaariga waday uu ka tirsan yahay ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, sidoo kalena wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan TikTok.
Maydadka ayaa goobta laga soo qaaday, kadib markii ay goobta tageen ehellada iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku baxay meesha ay wax ka dhaceen.
Mararka qaar ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca shilalka baabuur, waxaana sababa darawallada oo xawli u kaxeeya gaadiidka iyo waddooyinka qaar oo weli burbursan.