Muqdisho (Allbanaadir) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kula yeeshay haweenka ololaha hooyo u hiilli qaranka.
Kulankan ayaa waxaa looga hadlay kaalinta ay haweenka ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyi-gelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen difaaca dalka, sugidda amniga, garab istaagga ciidamadda qalabka sida, xallinta khilaafaadka, horumarka dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.
“Haweenka Soomaaliyeed waxaan uga mahad-celinayaa doorka ay ka qaateen dagaalka Khawaarijta dalka looga sifeynayo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare oo hadal u jeediyey haweenkii uu la kulmay
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan u qiraya (haweenka Soomaaliyeed) kaalinta ay ku leeyihiin dhiirri-gelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, taas oo ah mid muuqata oo muhiim u ah dib-u xoreynta dalkeenna.”
Mudane Xamza ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed laga doonayo waqtigan in si wadajir ah loo hirgeliyo hiigsiga qarankeenna, si aynu uga dhabayno Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo horumar waara gaarta.