Soomaaliya oo u dabaal dagtay guul taariikhi ah + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Dowladda Soomaaliya ayaa u dabaal degtay guusha taariikhiga ee shalay la gaaray, kadib markii ay si rasmi ah ugu fariisatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Xarunta dhexe ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Waaxyaha, iyo hawlwadeennada wasaaradda.

Guushan ayey wasaaradda ku tilmaamtay mid calaamad u ah bilowga shaqada Soomaaliya ee golahaas, sidoo kalena muujineysa kalsoonida caalamka ee dowladnimadeena.

Wasiirka, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, dadaalladii xoogga lahaa ee arrintan lagu gaadhay iyo ajendayaasha ay Soomaaliya mudnaanta siin doonto intay golahaasi ku jirto.

Wuxuu sidoo kale uga mahad-celiyay madaxda qaranka ee uu ugu horreeyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ergada Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, ergada Qaramada Midoobay ee New York, iyo dhammaan diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada wasaaradda kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen guushan muhiimka ah.

Soomaaliya ayaa 54 sano kadib maalintii shalay aheyd si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *