Muqdisho (Allbanaadir) – Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa soo hadal qaaday khilaafka culus ee haatan dowladda federaalka kala dhexeeyo maamulka Puntland.
Cali Xoosh ayaa tilmaamay in sababta illaa iyo hadda ay saaxadda uga maqan tahay Puntland ay tahay hoggaamiyaheeda oo ka carooday kursi uu waayay, iyada oo ay horay u jirtay inuu rabay in la siiyo xilka ra’iisul wasaaraha kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh, balse madaxweynuhu door biday Xamza Cabdi Bare oo deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dhanka kale rajo ka muujiyay in mar uun miiska wada-hadalka ay kusoo laaban doonto Puntland, xalka la gaari doono.
Waxaa kale oo uu intaas kusii daray in ka go’antahay in dalka meelaha nabadda ah ee la gaari karo laga qabto doorashooyinka qof iyo cod ah, kahorna la xallinayo tabashooyinka.
“Puntland way imaanaysaa, talo ayayna ku imaanaysaa. Soomaaliya ayayna qeyb ka tahay, kamana maqnaan karto, qof gooni ahna damiciisa kulama maqnaan karo. Puntland dadkeedu marna kuma jirto inay Soomaaliya ka go’aan ama ka maqnaadaan. Hoggaamiye carooday oo kursi maalin u carooday hadduu weli ku maqan yahay, isaguna wuu imaanayaa,” ayuu yiri Cali Xoosh.
Ninkan oo deegaan ahaa kasoo jeedo Puntland ayaa mar kale ku celinayay in aan marnaba dib ugu laaban doonin doorashooyinkii dadbanaa ee lasoo maray, awoodana loo celinayo shacabka, si ay usoo doortaan hoggaankooda
Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda maqan, waxaana si weyn ay uga soo horjeesteen qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.