DF oo abaabul cusub ka wada Gedo iyo diyaarado maanta laga dejiyey Garbahaarey

Posted on

Garbahaarey (Allbanaadir) –Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Gedo maanta ka dejisay diyaarado wada gargaar bini’aadanimo si loogu gurmado shacabka deegaanadaas oo la daalaa dhacaya abaar baahsan.

Gobolka Gedo oo dowladda Soomaaliya ay ka fara maroojisay maamulka Axmed Madoobe waxaa muddo labo todobaad ka badan ku sugan wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Fartaag.

Dowladda ayaa muhiimad gaar ah siineysa Gedo, maadaama maamulkeeda la hoos keenay dowladda federaalka, kadib khilaaf dheer oo dadka gobolkaas kala soo dhaxeeyey maamulka Axmed Madoobe.

Dadka reer Gedo ayaa hadda wajahaya abaaro baahsan, waxaana u dheer maamul xumo ka jirta gobolkaas, maadaama dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ay ku hardanayaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa saameyn ku lahaa gobolka, waxayna la jireen dhanka Axmed Madoobe, balse hadda waxaa muuqata in dowladda dhexe ay la wareegtay taageeradii Itoobiya, maadaama uu dhacay heshiis lagu xaliyey khilaafkii labada dal.

Qodobada ay dowladda Soomaaliya hor dhigtay Itoobiya waxaa la sheegay in qadiyadda Jubbaland ay ku jirtay, Itoobiya ayaa hadda kadib ka shaqeyn doonta maslaxada dowladda federaalka, maadaama la galay heshiis oo ciidamada Itoobiya lagu daray howlgalka cusub ee AUSSOM.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mr. Fartaag ayaa 16-kii maalmood ee lasoo dhaafay Gedo ka waday abaabul bulsho oo dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dadka gobolkaas looga iibiyo doorashada ay dowladdu gadaal ka riixeyso ee qof iyo codka ah.

Jubbaland ayaa si buuxda loogala wareegay gobolka Gedo, degmooyinka Baardheere iyo Doolow ayaa si wadahadal ah looga saaray Jubbaland, kadib markii dowladdu kala furfurtay saaxiibadii Axmed Madoobe kulahaa degmooyinkaas.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *