Beledweyne (Allbanaadir) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta aas loogu sameeyay todobadii askari ee dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii loo beegsaday aano qabiil darteed.
Maydadka askartan oo maalmo yaalay ayaa ugu dambeyn maanta la aasay, kadib markii is-afgarad hordhac laga gaaray kiiskan oo xiisad culus ka abuuray HirShabelle.
Dadaallada lagu gaaray aaska iyo xal u helidda dhacdadan waxaa ku baxay odayaal ka tirsan Beesha Abgaal oo uu hoggaaminayo Imaamka Muddulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ka baxay Muqdisho, kuna sugan magaalada Beledweyne.
Odayaasha Xamar ka tegay ayaa wada-hadallo aan loo kala kicin la yeeshay odayaasha dhaqanka Beesha Xawaadle oo ay ka dhasheen wiilasha lagu laayay Shabeelaha Dhexe, waxayna isku raaceen in marka hore la aaso askarta, kadibna laga war sugo go’aanka dowladda Soomaaliya oo la wareegtay kiiskaasi.
Sidoo kale waxaa Beledweyne ku sugan taliyaha NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku howlan xal u helida dhacdadaan, isaga oo odayaasha ku qanciyay inay arrinta ug dambeeyay dowladda dhexe, maadaama ay la wareegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida.
Dhacdadan ayaa dad badan ay ka xumaadeen, maadaama askar Soomaaliyeed oo ku howlanaaa difaaca qarankooda waddada loo galay, kadibna la laayay.
Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.