Xassan Shiikh iyo dhigiisa Kenya oo wadahadal ku yeeshay Nairobi (Sawirro)

Posted on




Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaarey magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Kenya iyo Soomaaliya ay wax badan wadaagaan, labada dalna ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Jabuuti.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa intii uu joogay Jabuuti waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo madax kale, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dowladood gaar ahaan xiriirka labada baarlamaan.




Source link