(Sawirro) Madaxweyne Deni oo bilad sharaf gudoonsiiyey danjire Catriona Laing

Posted on

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay oo sagootiyay Ergaygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing oo xafiiska banaynaysa.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise , Xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda iyo Xubnaha Ururada Bulshada Puntland.

Ambs Catriona Laing ayaa lagu maamusay  bilad sharaf iyo Hadyado dhaqan oo uu Guddoonsiiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, isagoo uga mahadceliyay kaalintii muhiimka aheyd ee ay ka qaadatay hanaanka geedi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeynaysa hawsheeda bishan Maajo.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto isla markaana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan dowrka muhiimka ah ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda waddada nabadda iyo xasilloonida – shakhsi ahaan, Soomaaliya waxay ii tahay goobta rajada iyo saaxiibtinimada, waana sii wadi doonaa taageerada iyo u qareemidda Soomaaliya meel kasta oo aan joogo,” ayay tiri Mw. Laing, oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Hawshii loo xilsaaray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee halka sano ahayd waxay ku egtahay 21ka bishan Maajo.

Source link