Ciidamada Israel oo helay Meydadka 3 ka mid ah dadkii lagu heystay Gaza

Posted on

Milateriga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay Jimcihii inay soo saareen meydadka saddex qof oo ka mid ahaa dadkii afduub ahaanta loogu heystay marinka Qaza.

La haystayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Shani Louk, Amit Bouskila, iyo Itshak Gelernter sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Yuhuuda Rear Admiral Daniel Hagari.

Dhammaan seddexda qof ayaa la qafaashay 7-dii Oktoobar waxaana la dilay xilli ay ka baxsanayeen xafladda muusiga ee Nova waxaana meydkooda laga soo helay Gaza.

“Waxay ku damaashaadayeen nolosha xafladii muusiga ee Nova waxaana dilay Xamaas,” ayuu yiri.

Meydadka ayaa maamulku aqoonsaday, qoysaskana waa lagu soo wargeliyay, ayuu yiri Hagari, isagoo intaa ku daray in meydadka loo wareejiyay xirfadlayaal caafimaad si ay baaritaan ugu sameeyaan.

Hagari ma uusan shaacin halka laga helay meydadka intii uu socday shirka jaraa’id. Wuxuu sheegay in meydadka la helay intii lagu jiray howlgal ay iska kaashadeen milateriga iyo ShinBet oo ah heyada qaabilsan Sirdoonka gudaha.

TVga CNN iyo oo soo xiganaya saraakiil milateri ayaa sheegay in meydadka laga helay tunnel ku yaal Gaza.

Nissim Louk, oo ah aabaha Shani Louk oo maydkiisa uu ka mid yahay kuwa la helay ayaa sidoo kale u sheegay warbaahinta Israel in maydka gabadhiisa si aad ah loo ilaaliyey sababtoo ah waxaa lagu hayay “tuneel qoto dheer oo aad u qabow”.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku muujiyay sida uu uga xun yahay arrintan ka dib qoraal uu soo dhigay X Jimcihii.

“Waxaan soo celin doonnaa dhammaan la haystayaashayada, kuwii dhintay iyo kuwa noolba. Waxaan u hambalyeynayaa ciidamadeena geesiyaasha ah, kuwaasoo go’aan ka qaatay in ay wiilasheeni iyo gabdhaheennii dib ugu celiyaan guryahoodii,” ayuu raaciyay.

Saddexda qof ee la qafaashay, Louk oo keliya ayay dawladda Israa’iil hore u xaqiijisay inuu dhintay.

Ku dhawaad ​​240 qof ayaa la qafaashay waxaana loo qaaday Gaza intii lagu guda jiray weerarkii Xamaas ee October 7-dii ee Israel oo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 oo qof. In ka badan 100 ayaa la sii daayay intii lagu jiray heshiis xabad joojin KMG aheyd bishii Nofembar, laakiin Israel waxay aaminsan tahay in weli ay jiraan 132 la haystayaal ah oo lagu haysto Gaza, 128 ka mid ah waxaa la qabsaday 7-dii Oktoobar.

Israel waxa ay rumaysnayd in 132-kaas la haystayaal, 40 ka mid ah la rumaysan yahay in ay dhinteen, oo ay ku jiraan laba la qafaashay 2014kii.

Dagaalyahannada Xamaas ayaa sheegay in diidmada Israa’iil ee qorshaha xabbad-joojinta ee ay soo gudbiyeen dhexdhexaadiyeyaasha wada xaajoodyada Qaahira ay sabab u noqoneyso inaan dib loo celin la heysatayaasha oo nool.

Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka ayaa yeeshay kulan shaqo oo ay ka soo qeyb-galeen dhammaan xubnaha guddiga.

Kulankan ayey xubnaha guddiga diiradda ku saareen dib u eegista, wax ka bedelka iyo dhameystirka cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee Dastuurka.

Source link