Saciid Ciise: “Doorasho dadweyne waxaa ka horeeya dhismaha xisbiyo Qaran”

Posted on

In la tijaabiyo doorasho dadweyne oo ka dhacda maamul goboleedyada dalka waxey u baahan tahay inaan la isku sidkin doorashada madaxweynaha iyo kuwa maamul goboleedyada, haddii taasi ay dhacdana dalku ma yeelan doono awood kala sareeysa oo doorashooyinku ay u wada hogaansamayaan amaradooda oo korjoogteeya habraaca geedi socodka doorashooyinka.

Mudo kororsi aan ku imaan cilad farsamo awgeed waxey dadweynaha tuseysaa inaan la isku haleyn karin qabsoomida doorashooyinka sida daacaddarada ah loo mudeynayo, waxeyna taasi caqabad weyn ku noqoneysaa aaminaada lagu qabi karo hogaanka dalka daacadnimadiisa, maxaa yeelay haddii hadda loo yeelo sida ay rabaan madaxda maamul goboleedyada, waxaa lagu qasban yahay iney doorashada ka yeelaan sida ay rabaan.

Marka ay madaxda maamul goboleedyadu ku guuleystaan iney durugsadaan mudo xileedkooda oo ay isla simaan doorashada madaxweynaha, waxey xeeladaas ay u fududeyneysaa iney kalifto iney awood tiraan oo ay meesha ka saaraan culaabtii uga imaneysey madaxtooyada dowladda dhexe, kadibna ay sidaas u kala doorsiiyaan ama iney raali isaga wada noqdaan  mudo kororsi ama ay isku wada diidaan oo mid walba uu iskiis tiisa u wato isagoon tixgelin u hayn cid kale.

Fursada awoodeed ee maanta jirta waxey u ogolaaneysaa madaxtooyada dalka iney cadaalada raacdo oo ay cadaadis ku saaraan madaxda maamul goboleedyada iney u hogaansamaan mudo kororsi la’aan iney qabtaan doorashooyin ka dhaca maamul goboleedyadooda, waxeyna taas ay nasteexo u tahay dadweynaha oo aan dooneyn madaxda maamuladooda iska dhex fadhiya iney si sharcido ah ay ku sii joogaan, haddana waxey taas dhanka kale ay diginin u tahay ineysan madaxda qaranka aysan ku lug yeelan cawaaqib xumada ka dhalan karta mudo kororsiga is daba xiga.

Madaxweynaha iyo raisulwasaarihiisa waxey dadweynuhu ka dhowrayaan ineysan mar labaad aysan dhiirogelin mudo kororsi ay sameystaan madaxda maamul goboleedyada, maxaa yeelay waxey shacabka maamul goboleedyada ay indhahooda ku soo arkeen ineysan wixii horay lagu balamay oo loo sameeyey mudo kororsigii hore aysan waxba ka hirgelin oo weliba ay taasi u sii dheereyd ineysan madaxda dowladda dalka aysan kula xisaabtamin fashilka ku dhacay mudo kororsigii hore oo ay qeybta ka ahaayeen ogolaanshaheeda.

In laga aaminbaxo madaxweynaha iyo raisulwasaarihiisa waxey rajobeel ku tahay kalsoonidii lagu qabey hogaaminta siyaasada dalka oolagu hiigsanayey hamiga dadweynaha oo ahaa rajooyinkii lagu qabey in la sameeyo isbedelo dalka loogu hormarinayo dimoqaraadiyeyntiisa iyo sii xoojinta ka soo kabashada uu dalku ugu jirey burburkii ka soo gaarey dagaaladii sokeeye oo sababta ugu weyn ay lahayeen siyaasadxumo ka dhalatay hogaanxumo lagu boobayey xukunka dadweynaha oo aysan dadku ku qanacsaneyn, taas oo ay ka dhasheen ismaandhaafyo hubeysan oo dadweynuhu ay gacmahooda ku doorteen iska cabin horseeday dagaalo sokeeye iyo burbur dowladeed.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxey ku wada qanacsan yihiin in dhamaan dalka ay ka wada dhacaan doorashooyin ay dadweynuhu codkooda ku dooranayaan madaxda maamuleysa siyaasadaha saameynta weyn ku leh horumarinta noloshooda, sidaas daradeed ayeysan suurtogal u ahayn in meeshii horay loo socon lahaa dib loogu noqdo hanaan doorasho oo musuqeeda awgeed la go’aansaday in laga guuro, dadkuna ay ka dheregsan yihiin xumaanteeda.

Cidina danwadaag hubanti leh uguma jirto in madaxda maamul goboleedyada lagu garab siiiyo iney kalsoonixumada ay ka qabaan shacabka ay maamulkooda hayaan awgeed lagu siiyo awood ay inta ay doonaan ay ku sii joogan xilalka ay mudo hayntoodii ay ka dhamaadeen, waxeyna taas ay ka turjumeysaa dhagar siyaasadeed mida ugu xun oo ay sameeyaan madaxdu, iyagoo isgu taakuleynaya boobka xukunka dadweynaha oo dulmigaas ay ka abuuranto xasarado colaadeed oo musuq siyaasadeed uusan dib dambe u xalin karin.

Dadweynaha waxaa u muuqda in siyaasiga madaxda ka ah maamul goboleedkooda oo aan dooneyn inuu doorasho xalaala galo inuusan kalsooni ku qabin waxqabadkiisii hore inta uu hayey muda xileedkiisa dhamaaday, sidaasna uu ku doonayo inuu si xoogg xeeladeysana uu xukunka ku sii joogo, waxeyna sidoo kale shacabku ay indhaha ku hayaan iskudeyga ay madaxda dowladda dhexe xukunadaas xaaraanta ah ay qiikal ugu sameyneyso, si taas bedelkeeda iyaguna ay gacan uga helaan doorashooyinka dib loogu soo dooranayo.

Si loo soo afjaro mudo kororsigaas aan dhamaadka lahayn, dib u dhacna aysan ugu dhicin doorashooyinka, waxaa madaxda sare ee dowladda dhexe lagula talinayaa in looga baahan yahay iney sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu dadaalaan dhismaha xisbiyo qaran oo dhamaan dalka si isku mida looga wada hirgeliyo, waxeyna tilaabadaas ay horseedeysaa in dadweynuhu helaan nidaam ay doorashada ku galaan wakhtiga loogu talo galay oo aan dib u dhigid lahayn.


Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com  

Source link