(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Wasiirka A/Dibadda Itoobiya & wakiilka QM ee Somalia?

Posted on

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Danjire Taye Atske-Selassie,, ayaa kulan la yeeshay Marwo Catriona Laing, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageeridda Soomaaliya ee UNSOM.

Wasiir Taye, waxa uu xaqiijiyey sida ay Itoobiya uga go’an tahay inay sii waddo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa ka mahad celisay doorka ay Itoobiya ka qaadanayso nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Waxay is dhaafsadeen fikrado ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Itoobiya iyo UN-ka si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika.

Itoobiya aya waxaa gudaha Somalia ka jooga kumamaan askari oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika, kuwaasoo dagaal kula jira kooxda al shabaab oo diidan jiritaanka DF iyo joogitaanka ciidamada shisheeye.

Source link