Hoggaamiye katirsanaa Daacish oo madaxiisa la dul dhigay Malaayiin Dollar oo la dilay

Posted on

Hoggaamiye sare oo katirsanaa kooxda Daacish ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidamo ka kala socda dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger, sida uu baahiyay telefishinka dalka Mali.

Abu Huzeifa oo kamid ahaa taliyaasha sar sare ee kooxda Daacish ayaa lagu dilay howlgal milatari, waxaana ninkan muddo dheer raadinayay ciidamada dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger oo ku eedeeyay dilal iyo qaraxyo dalalkaasi ka dhacay in uu maleegay.

Hoggaamiyahan la dilay ayaa la sheegay in madaxiisa horey loo dul saaray lacag dhan 5-milyan oo dollar, waxaana hoggaamiyahan lala xiriiriyay dhowr weerar oo lagu dilay askar Mareykan ah iyo dad kale oo badan oo ku sugnaa dhowr waddan.

Telefishinka dalka Mali sida uu baahiyay Abu Huzeifa ayaa u dhashay dalka Morocco, waxaana ninkan uu taliye u ahaa kooxda Daacish katirsan oo ku sugan gobolka Saxaraha ee Saaxil u magacawday kooxda Daacish.

Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysan hoggaamiyahan la sheegay in la dilay in uu masuul ka ahaa weerar ka dhacay dalka Niger oo lagu dilay afar askari oo Mareykan ah , kaa oo dhacay sanandkii 2017-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link