Madaxweyne Guudlaawe iyo Mike Nithavrianakis oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Posted on




Madaxweynaha  Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiyo Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.

Inta uu kulanka socday Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska wareystay arrimaha amniga, xasilinta, barnaamijyada horumarinta dhaqaallaha, dowlad-dhiska iyo guullaha  Hirshabeelle oo kaashaneyso ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Sidoo kale kulankan dhax maray Madaxweynaha Hirshabelle iyo safiirka dowladda Ingiriiska waxaa kulanka lagu gorfeeyay howgalada socda iyo wejiga 2-aad ee lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta.

“Dowladda Ingiriiska waxaan uga mahadcelinayaa dadaallada ay ku bixineyso soo af-jirada Khawaarijta iyo barnaamijyada horumarineed ay ka wado guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Hirshabeelle.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kaga mahadceliyay Danjiraha dowladda Ingiriiska u joogo Soomaaliya shirkii maanta ee is xog-wareysiga ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link