QM oo shaacisay tirada dadka illaa hadda ka qaxay weerarka Israel ee Rafax

Posted on

Qiyaastii 360,000 oo qof ayaa ka qaxay magaalada ugu xigta dhanka koonfureed ee Gaza ee Rafah todobaadkii la soo dhaafay, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ee Gaza.

Dadka ayaa ku qulqulaya Rafah ka dib markii ay Israa’iil ku baaqday in la soo daadgureeyo ka hor weerar ballaaran oo dhulka ah oo la qorsheeyay .

Ugu yaraan 60,000 oo qof ayaa qaxay tan iyo Axaddii oo keliya, sida ay sheegtay UNRWA.

Dhanka kale, waqooyiga  Gaza  duqeynta & amarada kale ee daadgureynta ayaa barakac iyo cabsi badan ku abuuray kumanaan qoys. Meel la aado ma jirto., ayey tiri UNRWA.

Philippe Lazzarini, oo ah Guddoomiyaha Guud ee UNRWA, ayaa ka digay maalin ka hor in dadka badankiis ee ku nool deegaanka ay mar hore guureen celcelis ahaan bishiiba mar si ay uga fogaadaan duqeymaha Israel.

“Sheegashada Israel ee goobo nabdoon waa been iyo marin-habaabin. Meel ammaan ah Gaza ma jirto. ayuu yiri.

Saraakiisha sarsare ee Maraykanka  ayaa ku celceliyay digniino adag dabayaaqadii todobaadka ee ka dhanka ahaa duulaanka Israel ee Rafah, iyaga oo saadaaliyay in duulaan dhulka ah uu horseedi doono khasaare baahsan oo soo gaara dadka rayidka ah.

Dhinaca kale, Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 57 qof ay ku dhinteen howlgallada Israa’iil 24-kii saac ee ugu dambeeyay. Wasaaradda ayaa sheegtay in 82 qof ay ku dhaawacmeen.

Tan iyo weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas ee Israa’iil, 35,091 qof ayaa lagu dilay Gaza, weerarrada Israa’iil ee deegaanka, iyadoo 78,827 qof lagu dhaawacay

Tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay howlgallada militari ee Israa’iil ayaa keentay cambaareyn iyo walaac caalami ah oo ay ku jiraan xulafada dalkaas.

Mareykanka ayaa dhawaan hakiyay shixnadaha hubka ee loo soo daabuli jiray militariga Israa’iil iyadoo saraakiisha sarsare ee dalkaasi ay sheegeen in ay qorsheynayaan in ay sii wadaan howlgal ballaaran oo ka socda magaalada koonfurta ku taalla ee Rafah.

Source link