Erdogan oo shaaciyey in Boqolaal ka tirsan Xoogaga Xamaas lagu daweynayo Turkiga

Posted on




Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa markii u horreyay xaqiijiyay in dagaalyahanno ka tirsan Xamaas lagu daweynayo gudaha Turkiga

Waxaa uu si deg deg ah uga falceliyay shir jaraa’id oo ay wada-jir u qabteen waxyar ka hor Ra’iisul wasaaraha Giiriga, Kyriakos Mitsotakis oo urur-argagixiso ku sheegay Xamaas.

Erdogan ayaa ku qasbanaaday inuu hadalka ku soo laabto , isagoo leh ; “Waxa jirta qodob aanan kugu raacsanayn, kaas oo ah in aanu Xamaas u aragno urur argagixiso, sidaa ma aha Xamaas waxaan u aragnaa dhaqdhaqaaq iska caabin ah oo u dagaallamaya dhulkooda la qabsaday,  Waxaa jira illaa 1,000 dhaawac ah oo ka tirsan dagaalyahannada Xamaas oo lagu daweynayo Turkiga— Marka la soo koobo, uma aragno Xamaas urur argagixiso,waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah inaan ku qasbi karno Israa’iil inay aqbasho xabbad-joojin.”

Ra’iisul wasaaraha Giriiga oo hadalka ku soo laabtay isagoo dhoola-caddeynaya, wuxuu dhankiisa yiri; “ Aan ku heshiinno inaan ku isku khilaafnay Xamaas laakin arrinta aan ku heshiinnay ayaa ah baahida degdegga ah ee loo qabo xabbad-joojinta.”




Source link