Somaliland oo si cad u sheegtay iney duulaan culus ku qaadeyso Laascaanod

Posted on

Taliyaha Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in ciidankiisu soo ceshan doono dhulkii uu ku lumiyay dagaalkii Laascaanod.

Waxaa uu xusay in ciidamada Somaliland ay diyaar garow ugu jiraan sidii gacanta maamulka loogu soo celin lahaa magaalada Laascaanood iyo degaanadii kale ee laga soo saaray.

“Dadwaynaha reer Somaliland waxan u sheegaya in aanu si dhakhso ah xadka u gaadhayno wakhtigeeda, ciidanku waa kii naftooda waxay u huryaan dalka, awoodoodii iyo xoogoodiina way leeyihiin” ayuu yidhi Taliye Taani.

Millateriga Somaliland ayaa lumiyay gacan ku haynta gobolka Sool, iyo magaalo madaxda Laascaanood, kadib dagaal billo socday oo ay dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo si beelaysan uga yumid Puntland ay dagaal kala hor yimaadeen, iyado ugu danbayn 25 August 2023 la jabiyay ciidamada Somaliland.

Somaliland ayaa aamisan in gobolka Sool uu kamid yahay dhulkeeda, iyada oo ciidamo fara badan tababaratay kadib jabkii ciidankeeda, halka ay dadka deegaanku dhisteen maamul ka madaxbannaan Somaliland oo la magacbaxay SSC Khaatumo, kaasoo aqoonsi KMG ah ka helay dowlada Soomaaliya.

Source link