Puntland oo rag dilal ku eedeysan u gacan gelisay dowlad degaanka Soomaalida

Posted on




Booliska Puntland ayaa saraakiil ka socda dowlad degaanka Soomaalida DDS ku wareejiyay laba nin oo ku eedaysan fal dil ah kuwaasoo laga soo qabtay magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali ayaa qoraal uu soo saaray ugu mahadceliyay Taliska Qaybta Booliska Mudug ee wareejiyay labada eedaysane.

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa  Qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo maamulka Degmada Bursaalax oo saraakiil ka socota DDS gaar ahaan Gobolka Doollo ku wareejiyay laba nin oo ku eedaysan fal dil ah, kuwaas oo laga soo qabtay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso, soo qabashadooda waxaan sigaar ah uga mahadcelinayaa Qaybta Booliska Gobolka Bari iyo Maamulka Gobolka Bari” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

“Soo qabashada gacanku dhiiglayaasha, tuugada iyo dhamaan wixii wax u dhimaya amaanka sida argagixisada Labada maamul waxaan ka leenahay iskaashi xoog leh oo marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaya” ayuu hadalkiisa ku daray

 




Source link