Toban cisho oo loo qabtay in meydadka looga saaro dhulka Iskoolo Bulusiyo

Posted on

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Somalia C/qaadir Maxamed Nuur ayaa amar ku bixiyey in 10 cisho gudahood lagu baneeyo qabuuraha iskoolo Buluusiyo oo ay ku aasan boqolaal qof.

Shir Jaraa’id oo Wasiirku ku qabtay halkaas ayuu ku sheegay in dhulkaas uu markii horeba ahaa dhul dan guud ah oo ay dowladu leedahay, haatana ay baahi badan u qabto dowladu.

Waxaa Dhulkan baahi deg deg ah ciidanka badda Soomaaliyeed oo markii horeba lahaa, waxaana looga dhisayaa talis ciidan oo laga hagi doono difaaca iyo ilaalinta xeebaha dalka” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale waxaa ka hadlay shirkaas jaraa’id, Taliyaha Booliska Somalia, Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Banaadir iyo culimo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo dhamaantood shaaciyey amar ka soo baxay dowladda oo lagu dalbanayo in deg deg qabuurahaas looga saaro meydadka ku aasan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu qoysaska eheladooda ay ku aasan yihiin qabuurahaas ka gacan sii doonaan sidii ay ula bixi lahaayeen isagoo xusay in qabuurihii la waayo dadkii ehelkiisa ahaa ay iyagu ka saari doonaan.

Yabooh ayaa sheegay iney jirto goob loogu talo galay in lagu aaso meydadka laga soo saaro qabuuraha iskoolo Buluusiyo, isagoo ehelada ugu baaqay iney in meytadooda dhulkaas dib ugu aasaan iyagoo soo maraya nidaam uu u dejiyey maamulka gobolka Banaadir.

Arrintan ayey la yaab ku noqotay dad badan, maadaama dhowaan dowladu beenisay iney amartay in meydadka laga saaro dhulkaas ka dib markii dadka qaarkood ay bilaabeen iney halkaas kala baxaan meydadka eheladooda.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Source link