Golaha amaanka Q/Midoobay oo ansixiyey soo jeedintii Biden ee xabad joojinta Gaza

Posted on

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay soo jeedinta Mareykanka ee xabbad-joojinta joogtada ah ee Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod u qaaday hindisaha Mareykanka ee xabbad-joojinta joogtada ah iyo sii deynta la haystayaasha Gaza Isniintii maanta.

“Golaha Ammaanka Waxay soo dhaweynayaan hindisaha cusub ee xabbad-joojinta ee lagu dhawaaqay May 31, taasoo Israel aqbashay, uguna baaqaysa Xamaas inay sidoo kale aqbasho, waxayna ku boorinaysaa labada dhinacba inay si buuxda u fuliyaan shuruudaha.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay golaha amaanka

Mareykanka ayaa ku baaqay qaraar golaha amaanka uu ku taageerayo soo jeedinta Axadii, iyadoo afhayeenka howlgalka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Nate Evans uu sheegay ugu baaqayaan Xamaas inay taageeraan

Madaxweynaha Maraykanka Biden ayaa qaaday tilaabadii aan caadiga ahayn dhamaadkii bishii hore isagoo si cad u qeexay waxa uu ku sheegay inay yihiin tafaasiisha xabad joojintii ugu dambeysay ee Israel ay u fidisay Xamaas.

Qaraarkan ayaa waxaa lagu ansixiyay 14 cod, ma jirto cid diiday halka uu ka aamusay Ruushka Somalia ayaana ka mid ah dalalka u codeeyey qaraarkan oo illaa hada aysan aqbalin Xamaas oo shaki badan ka muujineysa, isla markaana sheegay iney ogolaan doonin heshiis aan soo afjareynin dagaalka.

Qodobbada heshiiska ee Biden uu soo jeediyay;

Soo jeedinta waxaa ka mid ah joojinta dagaalka muddo lix toddobaad ah, oo ku dhacaysa wejiga koowaad oo ay ku jirto xabbad-joojin dhammaystiran, in ciidammada Israa’iil laga saaro dhammaan deegaannada ay dadka Qasa ku nool yihiin, iyo in la sii daayo dadka waayeel ah, dhaawaca iyo haweenka ah si loo sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta.

Marxaladda labaad, waxaa lagu sii deyn doonaa maxaabiista nool oo ay ku jiraan askarta, iyadoo Israa’iil ay billaabayso joojinta dagaalka si dhammeystiran.

Wajiga saddexaad waxaa ka mid ah dib u dhiska marinka Qasa.

Source link