Ninkii dilay guddoomiye ku xigeenkii Jaamacadda Bariga Afrika oo lasoo qabtay

Posted on

Boosaaso (Wararka Maanta) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo dhowaan magaalada Boosaaso ku dilay Allaha u naxariistee guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Aw-Muuse.

Warsaxaafadeed kasoo booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in soo qabashada eedeysanaha ay ka qayb qaateen odayaasha deegaanka, isla markaana cadaaladda la horgeyn doono.

Sidoo kale booliska ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay soo sheegaan wax kasta oo lid ku ah nabad-gelyada.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:

01-August-2024 Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.

Eedaysanaha ayaa gacanta lagu soodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri.

Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa.

Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7.



Source link