Addis Ababa (Allbanaadir) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadashay isbeddalka ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib wada-hadalladii ka dhacay Addis Ababa ayaa soo saartay amar ku socda safiirka Soomaaliya ee Itoobiya.
Wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda, Cali Balcad oo boggaadiyay guulaha laga gaaray wada-hadalladii ugu dambeeyay ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya la farayo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa inuu xoogga saarayo arrimaha Itoobiya iyo Midowga Afrika.
Cali Balcad ayaa sheegay in markii hore ay Soomaaliya ay diiradda saareysay oo kaliya Midowga Afrika balse ay kla shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka labada dowladood.
“Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa oo xoogga saari jiray arrimaha Midowga Afrika awal waxa u xooggiisa saarayay AU-da oo wax badan kama qabaneyn arrinta Itoobiya balse hadda kaddib waxa uu xoojinayaa arrimaha Itoobiya” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxay soo dirsan doonaan labadii Qunsul ee u kala joogay Muqdisho iyo Garowe, kuwaas oo hoos imaa doona safaaradda Muqdisho,”.
Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay sii socon doonaan dadaallada, gaar ahaan yoolka ah sidii la isugu dheeli-tiri lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya maadaama horay loo kala qaybiyay Dowladaha iyo sida ay ciidamadooda uga qaybgali karaan.
Itoobiya ayaa haatan dadaal xoogleh gelineyso, sidii ay ciidamadeeda uga mid noqon lahaayeen howlgalka cusub, waana sababta ugu wayn ee soo dadajisay heshiiska.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay khilaaf diblumaasiyadeed oo dhex yaalay muddo sanad ah, waxaana labada Xasan Sheekh iyo Abiy ay ugu dambeyn soo afjareen xiisadda.