Addis Ababa (Allbanaadir) – Kadib isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo heshiiskii Addis Ababa ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sanad kadib waxaa soo laabatay saaxiibtinimadii labada dhinac.
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in xal rasmi ah laga gaaray arrimihii ka taagnaa qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa oo horey dowladda federaalka u amartay in la xiro.
Sidoo kale qunsuliyadda Garoowe, oo xilligii ay sida weyn isku hayeen Soomaaliya iyo Itoobiya uu saameeyay khilaafka ayaa iyaduna si toos ah loo hoos geeyay safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in haatan wixii ka dambeeya ay qunsuliyadahan si toos ah u hoostagi doonaan safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, halka horey ugu madax-banaanayeen howlahooda.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda, Danjire Cali Balcad oo wareysi siiyay VOA ayaa arrintaan xaqiijiyay, isagoo sheegay in labada dal ay sidoo kale isku afgarteen in Itoobiya qunsulo cusub usoo magacowdo Hargeysa iyo Garoowe.
Dhawaan ayey aheyd markii maamulka Puntland uu Garoowe ka sagootiyay qunsulkii Itoobiya u fadhiyay magaaladaasi, kadib markii looga yeeray dalkiisa, loona sheegay inuu soo idlaaday waajibkiisi shaqo.
Inkasta oo aysan Itoobiya u hoggaamsamin amarkii hore ee dowladda Soomaaliya ku xirtay labada qunsuliyadood, ayaa haatan waxay Addis Ababa muujineysa dabacsanaan, xilli ay dhinacyada isku soo dhawaanayaan kadib sanad uu khilaaf xooggan ka dhex aloosna.