Muqdisho (Allbanaadir) – Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday hannaanka loo marayo kamid noqoshada Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare.
Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in gursaddan ay tahay mid diiradda lagu saarayo xoojinta iyo horumarinta tacliinta sare ee dalka.
Shuruudaha xubinnimada ayaa waxaa kamid ah soo gudbinta dukumentiyo rasmi ah, oo ay ku jiraan CV, shahaadooyin tacliimeed, warqad codsi shaqo iyo cilmibaarisyo hore.
Xubnaha cusub ayaa lagu dooran doonaa hannaan waafaqsan sharciga tacliinta sare, gaar ahaan qodobka 12-aad iyo faqradihiisa kala duwan oo qeexaya habraaca xulashada.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in codsiyada la xareyn karo illaa 30-ka Janaayo 2025, iyadoo ay wasaaraddu sheegtay in loo baahan yahay xubno leh aqoon, waayo-aragnimo, iyo karti sare si ay ugu adeegaan hormarinta nidaamka waxbarasho ee dalka.
Waajibaadka guddigan ayaa waxaa kamid ah; dejinta siyaasadaha qaran ee tacliinta sare oo la jaanqaadi kara ujeeddooyinka guud ee qaranka, ka talabixinta horumarinta tacliinta sare iyo ku xirideeda baahida suuqa.
“Guddigan waxaa lagu soo xulan doonaa hanaan waafaqsan sharciga tacliinta sare, qodobka 12-aad, faqradihiisa 2-aad, 3-aad, 4-aad iyo 5-aad. Waxaana codsiyada lagu hagaajinayaa guddi hawleedka u xilsaaran arrinkan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.