Netanyahu oo ku dhawaaqay inuu bilaabanayo duulaanka ciidankiisa ku galayaan Rafah

Posted on

RW Israel Netanyahu ayaa wacad ku maray inay duulaan ku qaadi doonaan Rafah, isagoo markaa tilmaamay inay dhammeystireen diyaar garowgii howlgalkaas iyo bilowga daad gureynta dadka rayidka ah

Hadalkan ayaa ku soo aaday xilli lagu warramayo inay Israa’iil kaliya doonayso haween iyo carruurta inay halkaa ka baxaan, waxaana lagu hayn doona ragga qaan-gaarka ah,

Weerar ay Israa’iil ku qaado Rafah, waxaa loo arka inay ka dhalan karto xasuuqa ugu daran ee Falastiiniyiinta la kulmayaan taariikhda, sababto ah waxaa halka ku sugan ku dhowaad hal milyan iyo bar Falastiini ah, 1 km kasta oo halkaa ka yaallana in ka badan toban kun oo Falastiiniyiin ah ayay hoy u tahay.

Israa’iil ayaa qorsheynaysa baro kontarool oo ay ku wareejiso Rafah ka hor weerarkeeda, iyadoo ujeeddadu tahay in laga hor istaago inay halkaa ka baxaan ragga qaan-gaarka ah, halka Haweenka iyo Carruurta la sheegay in loo oggalaan doono kaliya inay ka baxaan Rafah, taasoo dhalin karta Aabbe iyo qoyskii in la kala reebo, inta uu duulaanka socdana ragga waxay ku sugnaan doonaan goobta ay Israa’iil ku duulayso ee Rafah, sida u sheegay wargeyska Middle East Eye.

Source link