Fahad Yaasiin oo ka falceliyay Hadalkii R/W Xamse Barre Weerar culusna ku qaaday

Posted on

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa si adag uga falceliyay hadal shalay kasoo yeray Ra’isul Wasaare Xamse oo ahaa in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah.

Fahad Yaasiin ayaa qoraal kooban uu soo saaray ku sheegay in Ra’isul Wasaare Xamse Barre uu mar walbe ka shaqeeyo rabitaanka Madaxweynaha, waxa uuna xusay in haddana uu rabo doorashada soo socoto u maamulo rabitaanka Madaxweynaha.

Waxa uu sheegay Fahad Yaasiin hadalkii shalay kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Xamse Barre in ay ka fahmeen sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilkan ugu magacaabayba in ay aheyd in uu maamulo doorashada soo socota ee 2026.

”Shalay ayaad na fahamsiisay sabata uu Madaxweyne Xasan Sheekh kuugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaarha dalka, waana inaad maamusho doorashada soo socota ee 2026” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale sheegay in Xamse Barre horey usoo maamulay doorasho isoo xul saddex qof mid kamid ah aan kala baxaa aheyd oo Jubbaland ka dhacday, haddana uu rabo doorasho saddex xisbi uu Madaxweynaha kuu rabo kala baxayo.

”Mudane Xamse shalay waxaad soo hoggaamisay doorashadii ku dhisneyd saddex isoo qora, laakiin, Madaxweynaha ayaa qofkuu rabo kala baxaya (Jubbaland 2019). Ma waxaad rabtaa inaad maamusho doorasho ku dhisan saddex Xisbi baa taryamaya, laakiin, Madaxweynaha ayaa xisbiguu rabo kala soo baxaya !” ayuu yiri Fahad Yaadiis.

Hadalka Fahad Yaasiin ayaa imaanaya xilli Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Barre shalay caddeeyay in aysan mar dambe dhici doonin in teendho la isku soo doorto ayna ka shaqeenayaan doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link