Niyazi Acar iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maanta soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Posted on




Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda ee Turkiga Mudane Niyazi Acar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka ku yimid casuumaad uu wasiirku u fidiyay.

Soo dhaweynta wafdigaan ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş iyo diblomaasiyiinta safaaradda Turkiga.

Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda Turkiga Mudane Niyazi Acar ayaa Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya uga mahadceliyay soo dhaweyta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay.

Wasiir Xasan Macallin iyo Wasiir Niyazi ACAR ayaa inta wafdigu uu Muqdisho joogo yeelan doona kulamo ay uga wada hadlayaan ajandayaal badan oo ay ugu weyn tahay xoojinta xiriirka arrimaha caddaaladda iyo garsoorka ee labada dal.

Booqashada rasmiga ah ee wafdigaan ayaa timid kadib safarro shaqo oo uu hore wasiir Xasan Macallin Maxamuud ku tagay dalka Turkiga, isagoona arrimo badan kala soo hadlay masuuliyiinta dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link