Dibed-baxyada lagu taageerayo Falastiin oo ku sii xoogeysanaya Mareykanka (Sawirro)

Posted on

Waxaa sii xooggaysanaya dibadbaxyada ay dhigayaan ardayda jaamacadaha ee dalka Maraykanka, kuwaas oo ay ku taageerayaan Falastin.

Jaamacadda California ee ku taalla magaalada Los Angeles, waxaa ka dhacay isku dhacyo rabshado wata, rabshadahaas oo u dhaxeeya mudaharaadayaal taageersa Falastiin iyo kuwa ka soo horjeeda.

Koox taageeraysay Israa’iil ayaa bilaabay inay burburiyaan xeyndaab ay ku jiraan mudaharaadayaal taageersanaa falastiin.

Duqa, Los Angeles, Karen Bass, ayaa cambaareysay rabshadahan, waxayna ku tilmaantay “wax laga naxo” iyo “wax aan cudur daar lahayn” in ay magaalada ka dhacaan.

Sidaas oo kale dibadbaxyo kale ayaa ka dhacay jaamacadda Wisconsin-Madison, halkaas oo sidoo kale dibadbaxayaasha iyo boolisku ay isku dhaceen.

Tiro yar oo ka mida ardayda jaamacad Columbia ayaa dib alaabtooda ugu qadaanaya xayndaabyadii ay ku sugnaayeen.

Bannaanbaxyada lagu taageerayo Falastiin ayaa ku fidayay jaamacadaha ku yaal Mareykanka. In ka badan kun qof ayaa loo xiray labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Source link