Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta dhagax-dhigay xarunta Mashruuca Nagaad (Sawirro)

Posted on




Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa dhagax-dhigay xafiiska howlgalinta mashruuca Nagaad, oo ka shaqeyn doona dib u dhiska iyo bilicada caasimadda.

Xafiiskaan waxa uu maamuli doonaa dhismaha 11 waddo oo caasimadda Dhuusmarreeb dhex marta iyo laamiga weyn ee oo laba dhinac ah, sidoo kale waxaa qayb ah dhismaha waddada ka timaadda garoonka diyaaradaha iyo waddo weyn oo marta galbeedka magaalada oo laami ah & qaar kale.

Madaxweynaha  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu dambeyn kaga mahadceliyay dhammaan dhinacyadii gacanta ka siiyay taabba gelinta mashruucan lagu dhisayo waddooyinka magaalada Dhuusomareeb.

Waddooyinka magaalada Dhuusomareeb ayaa ah kuwa aad u bur bursan oon wax dhismo ah helin mudadii uu xilka hayay Qoorqoor, waxaana mashruucan uu maanta dhagax-dhigay u muuqataa mid uu ku galayo olole doorasho uuna cod ku raadinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link