Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo nolosha lagu qabtay isaga iyo hubkiisa

Posted on




Ciidanka daraawiishta maamulak Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanka Kuunyabuurow oo hoostaga degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay ku qabtay sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Sargaalkan ciidanka qabteen ayaa magaciisa lagu sheegay  Aadan Maxamed Cali Dhaayow, waxaana sargaalkan markii la qabanayay la sheegay in uu watay qoray iyo booshah uu ku dagaal geli jiray.

Ciidanka daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaana sargaalkan u kaxeeyay magaalada Buurhakaba , waxa ayna ku wareejiyeen ciidanka nabad sugida ,kuwaa oo baaritaanno ku bilaabay sargaalka la qabtay.

Ciidanka nabad sugida maamulka Koonfur Galbeed ayaana dhawaan howlgalo ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga magaalada Baydhabo kusoo qab qabtay xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link