Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga laabatay go’aankii ay dhawaan ku dalbatay in la xiro lana soo gabagabeeyo xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.
Qaraal kasoo baxay dowladda loona diray Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay ka laabteen go’aankii lagu xirayay UNSOM, waxa ayna dowladda taasi badalkeeda dalbatay in guddi wadajir ah loo saaro, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaana sheegtay in ay diyaar u tahay in ay magacawdo xubno Soomaaliyeed oo wax ka diyaariya qorshaha wax ka bedelka iyo kala guurka howlaha shaqo ee xafiiska howlgalka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Tallaabadan dowladda uga laabatay go’aankeedii hore ayaa yimid, kaddib wadahadal dhinaca telfoonka ah oo dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha QM Antonio Gutares, waxa ayna labada masuul isku fahmeen in la sameeyo guddiga qaabeyn ku sameeya shaqada UNSOM
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com